LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Paul Pogba oo ku jira xiddigaha Man United ee Jose Mourinho uu caawa doonayo inuu ku wajaho Sevilla – Yaa maqan yaase soo laabtay?

Paul Pogba ayaa ka soo laabtay dhaawac seejiyey kulankii Manchester United ay todobaadkan guusha ka gaaray Liverpool ee Premier League, waxaana lagu soo daray shaxda uu Jose Mourinho caawa kala hortagayo laacibkii Sevilla ee Champions League.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa ka maqnaa kulankii ay 2-1 kooxdiisa uga badisay naadiga Merseyside-ka, kaddib markii uu dhaawac yar ku soo gaaray tababarkii kulankaas ka horreeyey, laakiin caawa waxaa lagu daray xiddigaha Wajahaya Sevilla.

Anthony Martial oo sidoo kale shaki laga gelinayey kulankan muddana ka maqnaa laacibkii ayaa isna dib ugu soo laabtay shaxda naadiga Man United.

Phil Jones, Marcos Rojo, Daley Blind, Ander Herrera iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa dhammaantood maqan oo aan ka soo muuqan doono kulanka lugta labaad ee Wareegga 16-ka Champions League oo ay soo dhaweynayaan Sevilla.

XIDDIGAHA UU JOSE MOURINHO KALA HORTAGAYO SEVILLA:-

Goolhayeyaasha: David de Gea, Sergio Romero iyo Joel Pereira.

Difaacyada: Antonio Valencia, Eric Bailly, Victor Lindelöf, Chris Smalling, Matteo Darmian, Ashley Young iyo Luke Shaw.

Khadka Dhexe: Scott McTominay, Marouane Fellaini, Paul Pogba, Michael Carrick, Nemanja Matic iyo Jesse Lingard.

Weeraryahannada: Juan Mata, Anthony Martial, Romelu Lukaku, Marcus Rashford iyo Alexis Sanchez.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII