LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Neymar JR oo aabihiis u sheegay hadal ka farxiyey Real Madrid kana nixiyey jamaahiirta Barcelona

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Neymar JR ayaa u sheegay aabihiis inuu doonayo in heshiis walba oo uu kula biirayo laacibkii Real Madrid la dhammeystiro ka hor Koobka Adduunka, sida ay sheegayaan warbaahinta France.

26 sanno jirkaan reer Brazil ayaa laacibkii Paris Saint-Germain uga soo biiray Barcelona xagaagii lasoo dhaafay markaasoo lagula soo wareegay 198 milyan oo ginni.

Balse Neymar ayaa si xoogan loola xiriirinayey ku biirista laacibkii Los Blancos, iyadoo maamulka Santiago Bernabeu Stadium ay u arkaan bedelka Cristiano Ronaldo.

Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Diaro Sport ee dalka Spain ayaa ku warameysa in uusan Neymar dooneyn inuu aado dalka Russia iyadoo uusan mustaqbalkiisu kala caddeyn, waana sabbata uu u doonayo in heshiiska uu kula biirayo Real Madrid la dhammeystiro ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka Russia.

Aabaha dhalay Neymar oo sidoo kalena ah wakiilkiisa ayaana haatan isha ku haya in uu wadahadal la yeesho laacibkii Real Madrid ka hor inta uusan dhammaan sannad ciyaareedkaani.

Waxaa intaas sii dheer inuu wargeyska AS ee dalka Spain qorayo inay shirkadda NIKE diyaar u tahay inay bixiso qeyb ka mid ah lacagta ay Real Madrid kula wareegeyso Neymar oo markale noqon doona laacibka adduunka ugu qaalisan, maadaama qandaraaskiisa PSG lagu burburin karo 355 milyan oo ginni.

SHARE

Facebook

Twitter

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII