LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Naqshada Maaliyadaha Cusub Ee Ay Barcelona Ku Ciyaari Doonto Xilli Ciyaareedka Danbe Oo Si Hordhac Ah Loo Soo Bandhigay

Waxaa la filayaa in isbuuca soo socda ay Barcelona si rasmi ah u soo bandhigi doonto maaliyadaha ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka danbe oo markii ugu horeysay ay ku xayaysiinayaan shirkada Rakuten ka dib shan sannadood oo ay Qatar ku xayaysiinayeen maaliyadahooda.

Maaliyada koowaad ee laacibkii Barcelona ee xilli ciyaareedka danbe waxa ay ka koobnaan doontaa midabka lagu yaqaano ee casaanka iyo buluuga, iyadoo maaiyada ay dhincaya ku yeelan doonto xariiqmo isku dhow halka dhexda ay ku yeelan doonta xariiqmo waa weyn.

Maaliyadooda labaad waxa ay ka sameysan tahay isku darka midabka buluuga iyo cagaarka ah, halka maaliyadooda seddexaad ay tahay midab wada casaan dilan ah.

Maaliyadaha cusub waxa ay Barcelona ku ciyaari doontaa kulamada saaxiibtinimo marka ay booqasho ku tagto dalka Mareykanka, waxaana sawirada naqshadaha cusub ee maaliyadaha Barcelona si qarsoodi ah u heshay jariirada Barcelona fadhigeedu yahay ee Sport.

Barcelona ayaa haatan isku diyaarineysa kulanka ay Axada la ciyaarayaan laacibkii Eibar, iyagoo ku duceysanaya in Real Madrid ay guuldarro ka soo gaarto Malaga taasoo u fududeyn karta inay difaacdaan hanashada horyaalka, inkastoo Los Blancos ay kaliya u baahan tahay dhibic si ay u xaqiijistaan hanashada horyaalkoodii ugu horeysay ee tan iyo 2012.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII