LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Muxuu Tababare Zinedine Zidane Ka Yiri Guushii Ay Ka Heleen Deportivo, Casaankii Sergio Ramos & Goolkii Casemiro.

Real Madrid ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga markii ay 3-0 guul ah kasoo gaareen Deportivo La Coruna oo ay marti ugu ahaayeen gurigooda, Zidane ayaana ku faraxsan bandhigga ciyaartoydiisa isagoo ka gaabsaday casaankii la siiyay Sergio Ramos.

Gareth Bale, Toni Kroos & Casemiro ayaa dhaliyay sadexda gool ee Madrid xilli Isco uu daboolay booskii Cristiano Ronaldo.

“Waan ku faraxsanahay sida uu kulanka noo dhaafay, balse kuma faraxsani waxa ku dhacay Sergio Ramos. guud ahaan waan ku faraxsanahay sababtoo ah ma fududa inaad halkaan timaado waana koox dhibaato kugu abuuri karta” ayuu yiri Zidane.

“Qofna ima weydiisan inuu baxo, waan doonayaa kooxdeyda sida ay hadda tahay, waxaan rajeynaya ineysan jirin wax isbadal ah, balse ilaa 31-ka August wax walba ayaa dhici kara” ayuu yiri Zidane mar uu ka hadlayay hadii kooxdiisa ay ciyaartoy lumin doonto.

Ugu dambeyntiian Zidane ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo casaanka Sergio Ramos wuxuuna aad u amaanay Casemiro iyo bandhigii ay goolka caaqibada leh uga saacideen wiilashiisa.

“Waan isku dayeynaa inaan sidaas oo kale u ciyaarno” ayuu yiri Zidane.

“Waan ognahayinaan heysano ciyaartoy naga caawin karta inaan sidaas sameyno. waa wax aan ka shaqeynay sidaas darteed waan ku qanacsanahay dhamaanteen”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII