LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Muxuu ka aaminsan yahay Ivan Rakitic laacibka ay isku kooxda yihiin ee Lional Messi?.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic ayaa ku tilmaamay xiddiga ay isku laacibkii yihiin Lionel Messi inuu yahay taariikhda xidiga ugu fiican, kubada cagta.

Messi, oo 30 jir ah, ayaa u muuqda inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee waqtiga oo dhan, isagoo shan jeer ku guuleystay Ballon d’Or, waxaana u raaca inuu ku guuleystay sided jeer oo LaLiga ah, iyo afar Champions League.

Rakitic ayaa marka hore u mahadceliyay saaxiibkiisa Barca, isagoo sheegay in xiddiga reer Argentina uu ciyaarta ku go’aamin karo waqti yar.

“Waa kan ugu fiican taariikhda, awood ayuu u leeyahay, inuu ciyaarta go’aamiyo, waa uu xishood badan yahay sababtoo ah wuxuu ogyahay in qof walba uu daawanayo.” ayuu ciyaaryahanka reer Croatia u sheegay Antena 3.

Rakitic ayaa Barca uga soo biiray Sevilla 2014, waxaana uu ka caawiyay laacibkii reer Spain inay ku guuleysatay labo LaLiga iyo Champions League.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII