LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Mourinho Oo Caano Iyo Biyo Lagu Shubay Ka Dib Markii Ay Qolka Labiska Isku Dagaaleen Goolhayaha Man City Ederson & Sababta Dagaalka Ka Danbeysay Oo La Ogaaday

Jose Mourinho iyo goolhayaha Manchester City Ederson ayaa dagaal uu ku dhexmaray qolka labiska ka dib markii ay Manchester United guuldarro ka soo gaartay kulankii Manchester Derby.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Mirror tababaraha Man United ayaa la sheegay in caano iyo biyo lagu shubay iyadoo xaalada ay cirka isku shareertay ka dib markii ay kooxdiisa guuldarro 2-1 ku soo gaartay Old Trafford, laakiin arintaan waxaa beeniyay madaxda laacibkii City.

Ilo ku sugnaa gudaha garoonka ayaa sheegay in Mourinho uu tagay albaabka qolka labiska ee laacibkii martida aheyd isagoo weydiistay ciyaartodya City inay hoos u dhigaan dabaaldegooda oo aad u sawaxan badnaa.

Goolhayaha Man City ee reer Brazil Ederson iyo Mourinho ayaa ka dib la sheegay inay isku qeyliyeen iyagoo ku hadlaya luqadooda Portuquese-ka ka hor inta aan xaalada la dejinin.

Isha warkaan laga soo xigtay oo goob joog u aheyd dhacdadaan ayaa sheegtay inay jirtay isku qeylin badan iyadoo dad badan ay durbadiiba ku soo xoomeen albaabka qolka labiska ee Manchester City, waxaana dagaalka ka qeyb galay shaqaalaha labada kooxood.

Weeraryahanka Man United Romelu Lukaku ayaa isna la sheegay inuu qeyb ka ahaa dhacdadaan si la mid ah tababaraha goolhayaha United Silvino Louro.

Ilaa iyo 20 ruux ayaa ka qeyb qaatay isjiidjiidka ka dhacay afaafka hore ee qolka labiska laacibkii martida aheyd.

Ilo ka tirsan Manchester City ayaa iyagana xaqiijiyay in Mikel Arteta oo ka mid ah shaqaalaha tababarka Guardiola inuu dhaawac ka soo gaaray isha dusheeda.

Sarkaal boliis ah ayaa inta badan la geeyaa banaanka qolalka labiska maalmaha ay ciyaaraha jiraan, waxaana la fahamsan yahay in boliiska iyo ilaalada kale garoonka inay ku guuleysteen inay kala qabtaan raga colaada ay ka dhaxeysay.

Dagaalkaan waxa uu u egyahay kii Old Trafford ka dhacay sannadkii 2004 markaasoo tababare Sir Alex Ferguson lagu soo tuuray Pizza ka dib markii ay United 2-0 kaga badisay Arsenal taasoo soo gabagabeysay rikoorkii guuldarro la’aanta Gunners ee 49 kulan.


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *