LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Mourinho Oo Amaan Xoogan Kala Dul Dhacay Mohamed Salah Kahor Kulanka Xiisaha Badan EeLiverpool Iyo Man United.

Tababaraha laacibkii Manchester United Jose Mourinho ayaa si xoogan u amaanay xiddiga ree Egypt iyo laacibkii Liverpool Mohamed Salah, kahor kulanka xiisaha badan ay maalinka sabtida kuwada ciyaaro doonaan kooxaha Manchester United iyo Liverpool garoonka Anfield.

Jose Mourinho ayaa wuxuu u sheegay wargeyska ree England ee Daily Express isaga ka hadlayay qaab ciyaareedka wanaagsan ee Mohamed Salah: “Anigu maahi mid layaaban bandhiga cajiibka ah ee Mohamed Salah, xili kastaa waxaan ahaa mid aaminsan qaab ciyaareedkiisa, sidaas darteed waxaan lasoo saxiixday xiligii aan ku sugnaa laacibkii Chelsea”.

Macalinka ree Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “laakiin qibaradiisa horyaalka Serie A ayaa ka dhigtay mid kasii wanaagsan sidii hore, sidaas darteed waxay ahayd wax iska muuqda in bandhig wanaagsan uu ku sameenayo imaatankiisa horyaalka Premier League-ga iyo laacibkii Liverpool”.

Laakiin Jose ayaa wuxu sidoo kale ka difaacay Salah in Chelsea uu kaga soo muuqday kulamo yar ayaa wuxuu yidhi: “laacibkii kasta wuxuu u baahan yahay waqti ku filan uu kaga sameyn karo kooxdiisa horumar wanaagsan, qaar kood waxay soo dhaweeyaan inay fadhiistaan kursiga keygka ilaa ay ka helayaan fursada ay kooxdooda kaga soo muuqan karaan, halka kuwa kalena ay door bidayaan inay ka dhaqaaqaan, taasina wax caadi ka ah kubada cagta”.

Si kastaba Mohamed Salah ayaa kooxdiisii hore ee Chelsea kaga soo biiray dhigeeda Basel bishii Janaayo ee 2014, kahor inta uusan kaga dhaqaaqin sanad heshiis amah ah laacibkii Fiorentina, iyadoo uu markale kaga dhaqaaqay Roma, balse uu ugu dambeyn Liverpool ku yimid heshiis ku kacay aduun dhan 42 million euros.

Mohamed Salah oo haatan ku gudi jira waayihiisii ugu wacnaa kubada cagta ayaa wuxuu dalkiisa Egypt u suuragaliyay inay ka qeyb galaan koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia, kadib markii ay mudo dhan 28 sano ay ka maqnaayeen ka qeyb galkiisa.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII