LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Mohamed Salah Oo Lagu Sharfay Dhalashada Chechnya Ka Hor Kulanka Saudi Arabia Xilli Lala Sawiray Hogaamiyaha Aan La Jecleyn Ee Ramzan Kadyrov.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in lagu sharfay dhalashada jamhuuriyadda Chechnya, waana dhul ka mid ah Russia oo dowlad ahaan loo aqoonsaday sida diiwaanka ku qoran sanadkii 2015.

Wakaaladda wararka Russia ee Interfax ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan safka xulka Masar ay casuumaad ka heleen madaxda Chechnya, waxaana lagu soo waramay in cashadii loo sameeyay ciyaartoyda lagu xaqiijiyay abaalmarinta uu helay Salah.

Sida xogta lagu helay Mohamed Salah waxaa la siiyay nuqul ka mid ah abaalmarintiisa iyo sidoo kale ogolaansho xilli xiddiga Reds uu dhamaan madaxda Chechnya aad ugu mahad celiyay kadib markii uu aqbalay.

Egypt ayaan isaga haray koobka Adduunka kadib markii ay ku fashilmeen iney guul gaaraan labadii kulan oo ay ciyaareen, balse waxey kaliya heystaan iney waqti yar sii joogaan Russia maadaama ay kulanka saddexaad la ciyaari doonaan Saudi Arabia.

Mohamed Salah nasiib uma helin inuu ciyaaro kulankii ugu horreeyay group-ka ee Uruguay, balse nasiib wanaag wuxuu ka qeyb noqday ciyaartii Russia oo uu dhaliyay halka gool ee ay tartanka ka dhaliyeen qarankiisa.

Si kastaba Mohamed Salah wuxuu sawir kala soo muuqday hogaamiyaha aan la jecleyn ee Ramzan Kadyrov kaas oo aadka u neceb dadka isku jinsiga ee isku taga (gaar ahaan ragga, sidoo kalana mid aad u jirdila qof walba oo lagu sheego kana musaafuriya dhamaan dhulka Chechnya.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *