LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Mo Salah Oo Ku Biiri Kara Barcelona, Amarka Lionel Messi, Aragtida Coutinho Iyo Waxa ay Yeeli Lahayd Barcelona

Amarka Lionel Messi ayaa horseedi karta in xiddigga Liverpool Mohamed Salah u jiheysto Barcelona.

Laacibka u dhashay Egypt waxaa loo saadaalinayey ku biiridda Catalans kaddib ol’ole qeyrul-caadi ahaa oo soo maray.

Salah, oo ay da’diisu tahay 25, waxa uu dhaliyey 44 gool dhammaan tartamada ol’olihii dhammaaday.

Sida ay qortay Diario Gol, oo ka soo baxda Spain, Lionel Messi waxa uu ku amray Barcelona in ay Salah ka doorbiddo Antoine Griezmann.

Laacibka reer France,kaas oo xagaagan lala xiriirinayey in uu u dhaqaaqayo Catalonia ayaa shalay ka gaabsaday mustaqbalkiisa.

Diario, waxa ay haatan sheegeysaa in Messi doonayo in Salah ku soo biiro Camp Nou, waa haddii uu fasilmo heshiiska ay Barca ku raadineyso Griezmann.

Sidoo kale, xiddigii hore ee Liverpool, Phillippe Coutinho ayaa qaba aragtida Messi ee ah In Barcelona ay Salah la soo wareegto.

Hase ahaatee, Reds waxa ay ku dooneysas Masaariga  aduun dhan £132m (€150m).

Diario Gol waxa ay qoreysaa in Salah uusan xiiso u qabin ku biiridda Real Madrid.

Waxaa la sheegay in xiddigga Egypt uu wali u carreysan yahay Sergio Ramos kaddi markii uu ku dhaawaqay kulankii fiinaalaha Champions League ee bishii hore.

Salah oo ku dhawaaqay in uu taam u yahay koobka aduunka kaddib dhaawicii ka soo gaashay garabka ayaa caddeeyey in uu ku faraxsan yahay Anfield.

Mar uu Channel-ka ON ENT weydiiyey in uu ka tagayo Liverpool, Salah waxa uu ku jawaabay: “Waan ku faraxsannahay joogidda halkan waxaana la qabsaday cimiladda ka jirta.”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *