LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Miyuu Jamie Vardy taam u yahay inuu Sabtida wajaho Chelsea? – Macallinka Kooxda Leicester City ayaa ka jawaabaya

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha laacibkii kubadda cagta Leicester City ee Claude Puel ayaa shaaca ka qaaday in Jamie Vardy uu taam u yahay inuu Sabtida wajaho laacibkii xafidanaysa horyaalka Premier League ee Chelsea.

Vardy ayaa dhaawac gumaarka ah ku seegay labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay kooxdiisa Leicester City, waxaana loo maleynayay in xiddiga xulka qaranka England uu markale ka maqnaan doono kulanka ka dhacaya garoonka Stamford Bridge.

Si kastaba, tababare Puel ayaa sheegay in 31-sano jirkaan uu si fiican u tababartay todobaadkan, isla markaana uu dib ugu soo laaban doono laacibkii dawacooyinka lagu naanayso kulanka Sabtida ay ka horjeedaan Blues.

“Isagu waa diyaar, si fiican ayuu tababarka u qaatay todobaadkan, waxaana uu diyaar u yahay kulanka Sabtida.” ayuu Tababare Puel u sheegay suxufiyiinta.

Vardy ayaa dhaliyey 9 gool oo horyaalka Premier League 21 kulan oo uu u saftay laacibkii Leicester intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkan 2017-18.

The Foxes laacibkii lagu naanayso ayaa heli doonin adeegyada difaacyadeeda furaha u ah ee Danny Simpson iyo Wes Morgan kulanka berri, iyagoo indhaha ku haya inay labo kulan oo xiriir ah guul gaaraan horyaalka Premier League.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII