LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Miyuu Cristiano Ronaldo Taam Buuxa U Noqon Karaa Final-ka Champions League? Si Dadban Ayuu Xiddiga Bartiisa Twitter-ka Uga Jawaabay.

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa bixiyay tilmaam yar oo ku saabsan taam ahaanshahiisa final-ka koobka horyaalada yurub markaas oo ay dabayaaqada May magaalada Kiev kula ciyaari doonaan Liverpool.

33-jirka reer Portugal ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa kulamada La Liga kadib markii uu dhaawac dhanka canqawga ah kasoo gaaray kulankii El Clasico ee ka dhacay garoonka Camp Nou.

Ronaldo kama qeyb galin kulankii ay kooxdiisa 6-0 kaga badisay Celta Vigo iyo kulankii ka horeeyay oo ay 3-2 kaga adkaadeen Sevilla, balse wuxuu rajeynayaa inuu taam buuxa u noqon doono dhacdada Kiev.

Kabtanka Portugal wuxuu bartiisa Twitter-ka kaga farxiyay jamaahiirta Los Blancos kuwaas oo ka walwalsanaa xaaladiisa, wuxuuna soo dhigay sawir isagoo tababarka ku jira kuna soo qoray “Calaamadda” ðŸ‘Œ oo ka dhigan inuu wanaagsan yahay.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or waxaa dhaawacay Gerard Pique daqiiqadii 17-aad ee kulankii El Clasico xilli uu dhalinayay goolka koowaad ee ay kooxdiisa barbardhaca ku keensatay.

Sida ay laacibkii sheegtay Ronaldo maalmahii ugu dambeeyay wuxuu si weyn tababarka ula qaadanayay kooxdiisa isagoo aan dareemin wax xanuun ah, walina wuxuu heystaa 10-maalmood oo uu ugu diyaar garoobo kulanka Kiev.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII