LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Miyey Barcelona Lasoo Saxiixaneysaa Philippe Coutinho Bisha January? Madaxa Fulinta Oscar Grau Ayaa Ka Jawaabaya.

Madaxa fulinta Barcelona Oscar Grau ayaa difaacay xaaladda dhaqaale ee Barcelona isagoo si weyn u farxad galiyay jamaahiirta Balaugrana madama uu ka dhawaajiyay iney diyaar u yahiin saxiixa Philippe Coutinho bisha January.

Waxa aan shakiga ku jirin waa in Liverpool aysan soo dhaweyn doonin arinta uu ka dhawaajiyay Oscar Grau, balse Barcelona waxey dooneysaa iney u dhaqaaqdo marka uu furmo suuqa jiliilka xitaa hadii aysan Reds badaleynin maankeeda.

“Waxaan diyaar u nahay inaan lasoo saxiixano Coutinho, iyo xidig walba oo kale bisha January” ayuu yiri isagoo ka hadlayay shirka jaraa’id ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale ee laacibkii.

“Xitaa hadii aysan kooxaha rajeyneynin iney iibiyaan, waxaan dooneynaa inaan isku dayno keenista ciyaartoydaay maamulka u arkaan in loo baahan yahay”

Barcelona waxey ku dhawaaqday iney heleen daqli rikoor ah kaas oo dhan 708 Malyan oo Euro ololahii lasoo dhaafay, taasoo u ogolaatay in la saadaaliyo miisaaniyad dhan 897 Malyan oo Euro ololaha 2017, waana miisaaniyadii ugu badnaa ee laacibkii soo gala taariikhda.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII