LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Miyay Arsenal Ka Gudbi Doontaa Imtixaanka Aaron Ramsey Oo Lala Xiriirinayo Juventus?

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Arsene Wenger ayaa dalab heshiis cusub ah u diraya xiddiga qadka dhexe ee Arsenal Aaron Ramsey, iyadoo Juventus ay xiiseyneyso ciyaaryahanka reer Wales.

Juventus ayaa dooneysa inay xoojiso khadkeeda dhexe, waxaana ay ugu cadcadahay inay lasoo saxiixato Emre Can oo katirsan Liverpool.

Laakiin wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa Talyaaniga ayaa sheegay in Old Lady ay sidoo kale isku dayi doonto inay Ramsey kasoo dhaqaajiso Emirates.

Heshiiska haatan Ramsey kula joogo Arsenal wuxuu dhacayaa sannadka 2019, waxaana jira fursado uu ciyaaryahanka khadka dhexe kaga tagi karo Gunners.

Luminta Ramsey ayaa niyad jab ku ah jamaahiirta Arsenal, iyadoo 27 jirkaan laga cabsi qabo inuu ka tago laacibkii.

Wenger ayaa dhawaan qiray inuu doonayo qandaraas cusub inuu ka saxiixo Ramsey si loogu sii hayo garoonka Emirates.

“Waa heysan doonaa,” ayuu tababaraha Arsenal yiri horaantii bishaan, markii wax laga weydiiyay kalsoonida uu ka qabo sii joogista Ramsey.

“Kuma jiro maalmihii ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxa uu heystaa hal sano iyo bar wax walba ayaa suurta gal ah “ayuu yiri Wenger.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII