LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Mikel Arteta Oo Dhaawac Uu Ka Soo Gaaray Wajiga Intii Uu Socday Dagaalkii Ka Dhacay Qolalka Labiska Old Trafford Ka Dib Kulankii Manchester Derby

Miker Arteta oo ka tirsan shaqaalaha tababarka Manchester City ayaa dhaawac uu ka soo gaaray wajiga ka dib dagaal ku dhexmaray kooxaha City iyo United afaafka hore ee qolka Manchester City ka dib kulankii ay Sky Blues ka badisay United.

Jose Mourinho ayaa weydiistay ciyaartoyda CIty inay hoos u dhigaan dabaaldagooda oo sawaxan badnaa, waxaana la sheegay in caawan iyo biyo lagu shubay ka dib markii ay isku dhaceen goolhayaha City Ederson inkastoo ay arintaan beeniyeen madaxa Man City.

Qaar ka mid ah ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka ayaa ka qeybgalay isku dhacaan foolxumada ah, waxaana ilo ka tirsan Manchester City ay u xaqiijiyeen jariirada Daily Mail iyo ciyaaryahankii hore ee Everton iyo Arsenal Mikel Arteta inuu daqar ka soo gaaray isha korkeed, waxaana loo badinayaa inuu uga dhacay caag biyo ah.

Ilo goob joog u ahaa dhacdadaan ayaa sheegay inay jirtay isku qeylin badan iyo dad ku soo xoomay albaabka qolka labiska laacibkii martida aheyd markii ay arintaan dhacday, iyadoo dagaalka ay ka qeyb qaateen shaqaalaha labada kooxood.

Weeraryahanka Man United Romelu Lukaku ayaa isna la sheegay inuu qeyb ka ahaa dhacdadaan si la mid ah tababaraha goolhayaha United Silvino Louro.

Ilaa iyo 20 ruux ayaa ka qeyb qaatay isjiidjiidka ka dhacay afaafka hore ee qolka labiska laacibkii martida aheyd.

Sarkaal boliis ah ayaa inta badan la geeyaa banaanka qolalka labiska maalmaha ay ciyaaraha jiraan, waxaana la fahamsan yahay in boliiska iyo ilaalada kale garoonka inay ku guuleysteen inay kala qabtaan raga colaada ay ka dhaxeysay.

Dagaalkaan waxa uu u egyahay kii Old Trafford ka dhacay sannadkii 2004 markaasoo tababare Sir Alex Ferguson lagu soo tuuray Pizza ka dib markii ay United 2-0 kaga badisay Arsenal taasoo soo gabagabeysay rikoorkii guuldarro la’aanta Gunners ee 49 kulan.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII