LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Midabka buluugga iyo gaduudka oo qeexi kara xilli ciyaareedka Real Madrid!

Ka dib Afar kullan oo guul la’aan iyo gool dhalin la’aan ah, Saddexda kullan ee soo aadan ayaa muhiimad u gaar ah leh Real Madrid.

Kooxaha kala ah Levante, Viktoria Plzen iyo Barcelona ayay la ciyaari doontaa Los Blancos kullamada saddexda ah ee kusoo foodda leh, kuwaas oo dhammaantood ku ciyaara funaanad  midabka baluugga iyo gaduudka ah ka sameysan.

Macallin Julen Lopetegui iyo qaar ka mid ah xiddigaha laacibkii kuwaasoo aanan qaramadooda aadin ayaa kusoo laabtay xerada tababarka ee Madrid, iyadoo Gareth Bale iyo Marcelo ay noqonayaan kuwo goor dhow la heli karo.

Haddaba waa xilligii….

Julen Lopetegui

Sida caadiga ah, marka koox ay lasoo gudboonaato natiijo xumo, qofka ugu horreeya ee aadda loo saariyo waa macallinka laacibkii maamulaya.

Sidaas darteed, waxaa is beddel loogaga fadhiyaa tababarehii hore ee qaranka Spain, kaasoo hadda rajo fiican yeelanaya maadaama Dani Carvajal uu ku dhowyahay inuu isna taam noqdo oo uu Marcelo iyo Bale kula biiro xiddigaha dhowaan soo laabanaya.

Goolasha

Wax gool ah ma aysan dhalini Real Madrid kullamadii ugu dambeeyay iyadoo ay dhexda kaga jirto abaar daran, waxaana gool ay dhaliyaan ugu dambeysay kullankii Espanyol kubbad uu shabaqa geliyay Marco Asensio 22-kii September.

Kullanka Levante ay soo booqaneyso Santiago Bernabeu ayaa Los Blancos ay qasab ku tahay inay soo gabagabeyso ku dhowaad 500 daqiiqo oo ay gool la’aan yihiin.

Ciyaartoyda ay soo laaban lahaayeen

Dhaawacyada soo gaaray laacibkii ciyaartoydeeda ayaa musiibo hor leh ku noqotay qorshaha Mr. Lopetegui, balse waxaa akhbaar abshir leh ah in Bale iyo Marcelo ay soo laabanayaan goor dhow, walow Dani Carvajal xaaladdiisa aysan ahayn mid wanaagsan.

Dib ay u heli lahaayeen kalsooni

Levante, Viktoria Plzen iyo Barcelona ayaa ay la ciyaareysaa inta bishan ka dhiman, waxaana ujeedkooda ugu muhiimsan uu yahay inay dib u helaan qaab ciyaaroodkoodii wanaagsanaa.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII