LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

“Messi Waligii Waxa Uu Rabay In Uu Real Madrid U Ciyaaro.”

Lionel Messi waxa uu waligii rabay in uu Real Madrid u ciyaari, waxaa sidaa yiri wariye Eduardo Inda.

2001-dii ayuu isaga oo da’yar Lionel Messi Barcelona uga yimi Argentina.

Weeraryahanka hibada leh waxa uu ku soo caan baxay carbiska Barcelona, 17 sano kaddib waa gool dhaliyaha ugu sarreeya Argentina.

Laakiin wax walba wey is bedeli lahaayeen haddii ay uu raaci lahaa riyaddiisa.

Inda waxa uu sheegay markii ugu horreeysay ee uu Messi yimi Spain, Messi waxa uu rabay in uu u ciyaaro caasimadda  iyada oo uu Jorge Valdano oo ahaa agaasimihii ciyaarayaha Real Madrid iski dayey in uu la soo saxiixdo.

“Mar walba in uu Real Madrid u ciyaaro ayuu rabay,” waxaa sidaas yiri Inda.

“Waxaa taas dheer, 2002 waxa uu ku dawaaday in uu ku biiro. Valdano wuu isku dayey, laakiin ma sameyn karin waxa uuna aaday Barca.”

Xattaa haddii ay run tahay, go’aankii Messi ee uu ugu biiray Barcelona wuu ku baraaray.

Messi wixii intaa ka dambeeyey waxa uu qaaday 9 La liga, 4 Champions League iyo shan Ballon d’Or.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII