LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Melissa Satta Oo Horay Sariirta Ugu Dhaawacday Gacaliyaheeda Kevin-Prince Boateng Ayaa Hadal Yasmo Ah Ku Tuurtay Cristiano Ronaldo.

Gabadha Model-ka ah ee aadka looga qadariyo talyaaniga Melissa Satta ayaa ku digatay saxiixa cusub ee Bianconerri Cristiano Ronaldo kaas oo gacaliyaheeda kaga hor imaan doona kulanka xiisaha leh ee kooxaha Juventus iyo Sassoulo.

Melissa Satta oo la hadleysay saxaafadda ayaa inkirtay iney taqaano Ronaldo kaas oo wali ay abaar dhanka goolasha ah ka heysato horyaalka talyaaniga, waxeyna shaaca ka qaaday iney kaliya isha ku heyn doonto Kevin-Prince Boateng.

Melissa waxey saxaafadda hortooda ka sheegtay “Waa Kuma?” saxaafadda durba waxey dib u xasuusatay iney hadda ka hor ciqaabtay Gacaliyaheeda Kevin-Prince Boateng kaas oo ay sariirta ku dhaawacday, wuxuuna garoomada ka maqnaa muddo bil ah.

31-jirkaan heerka caalami ee ay iska dhaleen laba waalid oo Jarmal iyo Ghana ah ayaa xagaagan kusoo biiray kooda waqooyiga talyaaniga ka dhisan isagoo kaga soo wareegay Eintracht Frankfurt, balse wuxuu usoo ciyaaray Tottenham Hotspur iyo Ac Milan.

Sanado ka hor ayey aheyd markii ay ciqaab adag duldhigtay Gacaliyaheeda, 10-jeer ayey hal isbuuc si xirmo ah sariirta kulan kula yeelatay, taasoo keentay inuu bowdada ka dhaawacmo isla markaana uu muddo 30-maalmood ah waayo ciyaarista kubadda cagta.

“Waa kuma Cristiano Ronaldo? Kaliya waxaan indho u leeyahay Boateng” ayey tiri, waxeyna si hubanti ah u xaqiijisay iney tarabuunka ka daawan doonto kulanka.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *