LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Maxaa kasoo kordhay qorshaha Nainggolan iyo Malcom Inter ku imaanayaan

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Cayaaryahan Radja Nainggolan ayaa shalay wakiilkiisa kula kulmay magaalada Monaco waxaana la rajeynaa Inter inuu tijaabo caafimaad u maro maalinta Isniinta ah.

Roma horey ayay u xaqiijisay inay Radja Nainggolan ka iibineyso Inter Milan waxayna labada dhinac ku heshiiyeen €24m iyo labada xidig dhalita yar Nicolò Zaniolo iyo Davide Santon Roma lagu wareejiyo.

Sky Italia ayaa qortay in Nainggolan iyo wakiilkiisa isla qaateen Inter u saxiixaan heshiis gaarayo ilaa 2022 ama afarta sano soo socoto inuu San Serio ka hawl galo.

Dhinaca kale kubad sameeyaha reer Brazil Malcom ayaa isagana aqbalay inuu Inter soo aado, waxaana la rajeynaa 21-jirkan todobaadka dambe inuu San Serio soo gaaro.

Inkastoo Bordeaux iyo Inter weli si rasmi ah qiimaha Malcom kaga heshiinin hadana waxaa la aaminsan yahay in 29-ka bishan June inuu Inter ka mid noqon doono sida Gazzetta dello Sport qortay.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII