LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Mashqada Real Madrid Ee Dhanka Difaaca Oo Sii Baahday Ka Hor Kulanka Sevilla & Raphael Varane Oo Dhaawac Uga Baxay Kulankii Dortmund.

Real Madrid ayaa la dhibtooneysa ciyaartoy yari ka hor kulanka ay wajahayaan laacibkii Sevilla, mar kale ayeyna dhibaato kale usoo hoyatay markii Raphael Varane uu dhaawac uga baxay kulankii ay xalayto guusha ka gaareen Borrusia Dortmund.

Kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ayaa isbuuca soo aadan soo dhaweyn doonta Sevilla, balse waxey weyn doonaan adeega daafaca reer France Raphael Varane iyagoo horay u ogaa ineysan kulankaan ka qeyb gali doonin Sergio Ramos, Casemiro iyo Dani Carvajal kuwaas oo dhamaantood ganaaxyo kala duwan qaba.

Daqiiqadii 38-aad ayuu dareemay xidigii hore Lens inuusan sii wadan karin ciyaarta, waxaana lagu badalay Marco Asensio, balse warar hordhac ah oo laga helayo dhaawaciisa ayaa sheegaya inuu seegi doono kulanka adag ee Sevilla.

Zinedine Zidane wuxuu ku qasban yahay inuu adeegsado ciyaartoyda kala ah: Achraf Hakimi, Nacho Fernandez, Jesus Vallejo iyo Marcelo kulanka isbuuca soo aadan waana xidigaha taamka u noqon kara iney kulankaas ka qeyb galaan.

Waa markii sadexaad oo uu dhaawac dhanka muruqa ah garoonka uga baxayo Raphael Varane xilli ciyaareedkaan wuxuuna dhaawacyo uga baxay kulamadii Levante iyo Girona ee horyaalka La Liga.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII