LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Markii Hore Philippe Coutinho Haddana Xidig Kale Oo Muhiim Ah Oo Seegay Tababarkii Kooxdiisa Barcelona Ee Ka Hor Kulanka Real Betis.

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in xidiga kooxdeeda iyo xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho uu muddo saddex todobaad ah garoomada kaga maqanaan doono dhaawac bawdada ka soo gaadhay laakiin markale Valverde ayaa helay war aan fiicnayn ka hor kulanka La Liga ee Real Betis.

Philippe Coutinho ayaa seegi doona kulanka muhiimka ah ee Real Betis iyada oo waliba Barcelona rajaynaysa in Lionel Messi uu ka soo hormaro waqtigii loo qorsheeyay inkasta oo aan ilaa hadda la xaqiijin karin in Messi uu ciyaari doono kulanka Real Betis.

Laakiin tababarkii maanta ee laacibkii Barcelona waxaa seegay xidiga reer France ee Ousmane Dembele kaas oo dhibaato dhinaca caloosha ah oo waliba xoogan ku maqan iyada oo Valverde aanu maanta kooxdiisa ku helin Dembele iyo Coutinho oo qiimo badan laacibkii ku jooga.

Laakiin Valverde ayaa rajaynaya in xanuunka dhinaca caloosha ah ee Ousmane Dembele asiibay uu noqdo mid aan xaaladiisa sii xumayn wuxuuna filayaa in uu taam u noqon karo kulanka axada ee ay Barcelona la ciyaari doonto laacibkii ay cadaadiska badan kala soo kulantay waqtiyadii la soo dhaafay ee Real Betis.

Laakiin warka ugu fiican ee ay maqli karaan jamaahiirta laacibkii Barcelona ayaa ah in Lionel Messi iyo Samuel Umtiti ay si buuxda ugu soo laabteen tababarka isla markaana ay ka shaqaynayaan in ay diyaar u noqdaan kulanka axada ee Real Betis.

Samuel Umtiti ayaan waqti dheer u safan Barcelona waxaana booskiisa si fiican u sii buuxiyay xidiga ay isku dalka yihiin ee Clement Lenglet kaas oo isfahan fiican la samaystay Gerard Pique balse waxaa la filayaa in Umtiti uu soo laaban karo kulanka Betis.

Lionel Messi ayaa markii hore la qorsheeyay in uu soo laabto kulanka Atletico Madrid ee kadib kulamada caalamiga ah laakiin waxa uu hadda si buuxda uga soo kabsanayaa dhaawicii jabniinka ahaa ee gacanta kaga soo gaadhay kulankii Sevilla.

Si kastaba ha ahaatee, Valverde ayaa rajaynaya in kulanka Real Betis uu kooxdiisa ku haysto Lionel Messi, Samuel Umtiti iyo Ousmane Dembele oo barri la ogaan doono haddii ay xaaladiisu hore isku badali doonto.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *