LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Marco Verratti Iyo Carlo Ancelotti Oo Kawada Shaqeyn Doono Meel Aan Aheyn Kooxda PSG

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Marco Verratti ayaa sheegay in tababare Carlo Ancelotti la wareegi doono shaqada xulka qaranka Talyaaniga.

Verratti wuxuu kasoo hoos ciyaaray tababarihii hore ee Juventus iyo PSG, laakiin haatan wuxuu dareensan yahay inuu kula midoobi karo xulka qaranka Italy.

“Waxaan ciyaaray kulankii ugu horeeyay Champions League, iyadoo Ancelotti tababare ii ahaa, wax badan ayuu iga caawiyay maskax ahaan,” ayuu yiri.

“Waxa uu sidoo kale iga caawiyey inaan garoonka ka dhaxmuuqdo, islamarkaana aan noqdo qof muhim ah.

“Waan arki doonaa hadii uu markale igala shaqeeyo xulka Italy,  xaqiiqdii waan jeclaan lahaa inuu noqdo tababaraha xulka” ayuu yiri Marco Verratti.

Carlo Ancelotti oo haatan shaqo la’aan ah wuxuu kamid ah yahay dhowr tababare oo lala xiriirinayo shaqada laacibkii PSG, inkastoo sidookale loosoo bandhigay shaqada xulka Italy.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII