LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Marcelo Oo Ka Hadlay Caafimaadkiisa Iyo Hadii Uu Taam u Yahay Kulamada Soo Aadan Ee Kooxdiisa.

Daafaca reer Brazil Marcelo ayaa u muuqda mid taam buuxa u ah inuu ciyaaro kulamada soo aadan ee kooxdiisa maadaama uu tababar buuxa ee laacibkii kusoo laabtay iyadoo inta ugu badan xiddigaha ay ku maqan yahiin waajibaad qaran.

Marcelo kama soo muuqan kooxdiisa Los Blancos tan iyo markii ay guuldarada kala kulantay dhigeeda Sevilla kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo dhacay September maadaama uu dhaawac kasoo gaaray canqawga.

Isbuucaan ayuu tababarka laacibkii kusoo laabtay, war wanaagsan ayaana usoo yeeray tababaraha aadka loo cadaadinayo waqtigaan ee Julen Lopetegui kaas oo la murugsanaa xaaladda dhaawaca xiddigiisa reer Brazil.

“Waan fiicanahay, waxaan ahay mid 100% ku dhaw inuu taam yahay” ayuu yiri Marcelo oo la hadlayay AS.

“Si fiican ayaan u tababartay, waa maalinkii labaad oo aan ku tababarto kubadda, balse waan ku faraxsanahay hormarka aan sameeyay”

“Kulamada fasaxa caalamiga ah wuu ii fiicnaa si aan u noqdo mid heer sare ah kulamada xiga”

Los Blancos 20-ka bishaan waxey la ciyaari doontaa Levante, halka 28-ka October ay kulanka El-Clasico la ciyaari doonaan Barcelona.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII