LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Manchester City oo si raaxo leh kaga badisay Stoke City kulan David Silva uu laba jeer shabaqa soo taabtay.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Manchester City ayaa talaabo u qaaday hanashada horyaalka Premier League kadib markii ay guul raaxo leh ka gaareen Stoke City iyagoo marti u ah, muddo kadib ayeyna u suurtagashay iney hal xilli ciyaareed labada kulan ada garaacdo.

Laba gool oo ka timid David Silva qeybtii hore iyo qeybtii dambe ayaa lagu ciqaabay laacibkii Stoke City oo xaalad xun ku jirta xilli ciyaareedkaan iyadoo haatan fadhisa booska 19-aad ee horyaalka.

Citizen waxey ciyaarta iyadoon heysan Sergio Aguero balse uu garoonka usoo galay Gabriel Jesus oo mid ka mid ah labada gool ee David Silva caawiyay, sidoo kalana waxaa si fiican u ciyaray Raheem Sterling oo isna kubad aan la qasaarin karin qasaariyay.

Macalin Pep Guaridola ayaa kusii dhawaanaya hanashada horyaalka Premier League wuxuuna noqon karaa horyaalkiisii sadexaad ee shanta horyaal ee ugu waaweyn yurub maadaama uu La Liga iyo Bundesliga.

Natiijada City ay caawa gaartay waxey ka dhigan tahay iney 16-dhibcood ka sareyso Man United kaliya 8-kulan, kaliya sadex kulan oo guul ah ayuu u baahan yahay si uu ugu dabaal dago horanta April.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII