LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Manchester City Oo Ay Guuldaradii Ugu Horaysay Soo Gaadhay, Sevilla, FC Porto Iyo Shakhtar Oo Wareega 16ka Kooxood Ee UCL U Soo Baxay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii La Ciyaaray Oo Dhamaystiran.

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulamadii heerka Groupyada Champions Leaque waxaana hadda dhamaystirtay 16ka kooxood ee wareega xiga ee UEFA Champions Leauqe ku tartami doona iyada oo kooxaha Liverpool, Sevilla, Shaktar iyo FC Porto noqdeen kooxihii ugu danbeeyay ee wareegan kula soo biiray kooxihii hore ugu soo baxay.

Manchester City ayay soo gaadhay guuldaradii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan ee tartamada oo dhan kadib markii ay laacibkii Shakhtar 2-1 guul kaga gaadhay laacibkii uu Guardiola isbadal ku sameeyay ee uu ka doortay ka fikirista kulanka Manchester Derby.

Kooxda Napoli ayaa murugo wayn la kulantay kadib markii ay guuldaro 2-1 ahi ka soo gaadhay laacibkii xiliga horeba hadhay ee Feyenoord si ay Shakhar fursad wayn u siiso laakiin kulamadii goolasha badan laga dhaliyay ayay ka mid tahay laacibkii FC Porto oo 5-2 ku gumaaday laacibkii AS Monaco oo iyaduna tartankan ka hadhay.

Sevilla ayaa soo dhaafi kari wayday kooxdii ay Liverpool 7-0 ku xasuuqday ee Maribor laakiin in markale ay Liverpool 7-0 ku gumaaday Spartak Moscow ayaa laacibkii ree Spain ee Sevilla ka caawisay in ay wareega 16ka kooxood ee Champions leaque ay u soo baxdo.

Haddaba halkan kaga bogo natiijooyinka kulamadii caawa la ciyaaray oo dhamaystiray.

Haddaba halkan kaaga bogo liiska 16ka Kooxood ee u soo baxay wareega xidiga ee Champions Leaque:

Barcelona
Basel
Bayern
Beşiktaş
Chelsea
Juventus
Liverpool
Man. City
Man. United
Paris
Porto
Real Madrid
Roma
Sevilla
Shakhtar
Tottenham

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII