LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Man United oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Alexis Sanchez & Kooxda Man City oo loollan adag wajahaysa!

Sida wararku ay sheegayaan laacibkii kubadda cagta Manchester United ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka laacibkii Arsenal ee Alexis Sanchez.

Sanchez ayaa heshiiskiisa laacibkii Gunners waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan 2017-18, xiddiga xulka qaranka Chile ayaana si weyn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono laacibkii hoggaaminaysa horyaalka Premier league ee Manchester City.

Waxaa loo maleynayay in City ay lahaan lahayd Weeraryahankii hore ee Barcelona, laakiin sida laga soo xigtay Sky Italia, laacibkii Man United ayaa magaceeda ku dartay kooxaha doonaya Sanchez, iyadoo macallinka laacibkii ee Jose Mourinho uu doonayo inuu hordhigo oo uu ku iibsado heshiis cajiib ah.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in laacibkii 20 goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ay isku diyaarinayso inay heshiiska xiddigan qeyb uga dhigto laacibkeeda xulka qaranka Armenia ee Henrikh Mkhitaryan, isla markaana raaciso lacag kaash ah oo aan la cayimin, waxaana durba Man United ay la xiriirtay Gunners si ay uga wadahadlaan heshiiska uuna u dhaqan galo bishaan.

Waxaa la aaminsan yahay in Man Utd ay sidoo kale u soo bandhigtay Sanchez mushaar ka badan kan ay u ballanqaaday Man City, iyadoo laacibkii macallin Jose Mourinho ay doonayso inay iska adkeyso dhanka weerarka si ay ugu tartanta horyaalka Premier League.

Mustaqbalka Sanchez ee laacibkii Arsenal ayaa su’aal ka taagnayd dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, laakiin Weeraryahankan ayaa dhaliyay siddeed gool 21 kulan oo uu u saftay Arsenal xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa haysata Weerar ka kooban oo kala ah Romelu Lukaku, Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Zlatan Ibrahimovic, tababare Jose Mourinho ayaana dareensan in kooxdu ay u baahan tahay weeraryahan kale, taasi waxa ay ka dhigan tahay in hadda laacibkii Man City ay saxiixa Sanchez kala kulmeyso loollan adag laacibkii ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Man Utd.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII