LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Man City Oo Doonaysa In Ay Heshiisyo Cusub Ka Saxiixato Xidigo Kooxdeeda Muhiim Ka Ah Oo Uu David Silva Ugu Horeeyo.

Manchester City ayaa bilowday inay ka shaqeyso sida ay heshiisyo cusub kaga saxiixan lahayd xidigaha safkeeda koowaad, waxaana ugu horeyn doono kubad qaabeeyaha ree Spain David Silva, kaasoo ku dhaw in ay wanaajiyaan saraakiisha laacibkii Sky Blues.

Sida laga soo xigtay wargeyska caanka ah ee Daily Mail Manchester City ayaa wadahadal la furatay kubad qaabeeyaheeda David Silva iyo wakiilkiisa si ay kaga wada hadlaan heshiiska cusub uu kusii joogayo Etihad Stadium xili ciyaareedyada fog ee soo aadan.

Manchester City waxay xiiseeneysaa in David Silva ay ka saxiixato heshiis cusub  oo mudo laba xili ciyaareedkale uu kusii joogayo Etihad Stadium, kahor inta uusan soo idlaan sanada soo aadan, waxaana saraakiisha laacibkii Sky Blues ay laacibka ree Spain ay miiska u soo saareen in sanadii uu mushaar ahaan u qaadan doono aduun dhan 7.2 million pounds

31 jirkan ayaa heshiiska uu haatan ku joogo laacibkii Manchester City wuxuu soo idlaanayaa sanada 2019, wuxuuna kaga soo biiray dhigeeda ree Spain Valencia sanadii 2010 aduun lacageed dhan 25 million pounds.

Sidoo kale maamulka laacibkii Manchester City ayaa waxay qorsheenayaan inay si xoogan kaga shaqeeyaan sida ay kusii heysan lahaayeen xidigaha ugu muhiimsan safkeeda, waxaana kadib heshiis kor dhinta David Silva xigi doona dhowr ciyaaryahano ku sugan haatan Etihad Stadium.

Raheem Sterling ayaa ka mid ah xidigaha ay City qorshaynayso in ay heshiisyo cusub ka saxiixdaan iyada oo Guardiola uu doonayo in laacibkii mustaqbalka wayn leh ee uu Etihad Stadium ka dhisay uu waqti dheer sii haysan karo.

.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII