LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Macallin Jose Mourinho oo raba inuu 30 milyan ku soo iibsado laacibkii khadka dhexe ka beddeli lahaa Michael Carrick

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in laacibkii kubadda cagta Manchester United ay diyaar u tahay in ay la soo wareegto laacibka khadka dhexe ee naadiga Shakhtar Donetsk, Fred.

Sida lagu qoray ‘Daily Record’, Manchester United ayaa aad ula dhacday qaab ciyaareedka Fred oo 5 xilli ciyaareed u ciyaaraya laacibkii Shakhtar, waxaana sidoo kale xiddigan la la xiriirinayaa in ay damaacinayaan kooxaha Manchester City iyo Arsenal.

Sida warbixintu sheegeyso tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu helo laacibkii Khad dhexe inta uusan dhammaan suuqa kala iibsiga bishan Janaayo, waxaana Mourinho uu u arkaa Fred inuu yahay mid ku habboon in uu buuxiyo booska Michael Carrick oo heshiiskiisa Old Trafford uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Carrick oo 36 jir ah ayaa dhaawac ku maqan, waxaana loo ballan qaaday haddii uu ka fariisto ciyaaraha in uu shaqo tababarenimo ka heli doono maamulka laacibkii Manchester United, sidaas darteed Mourinho ayaa 30 milyan oo giniga Istarliinka ah ku raba Fred.

Dhinaca kale Fred oo Brazil u dhashay ayaa si fiican u maamuli kara khadka dhexe, isagoo dhinaca weerarkana ku fiican.

Haddaba xirfadaha cajiibka ah ee Fred halkaan hoose ka daawo:-

[embedded content]
 

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII