LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Macallin Antonio Conte oo mugdi geliyey mustaqbalkiisa Chelsea.. (Muxuu ka yiri wararka sheegaya inuu kooxda ka tagayo?)

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha laacibkii kubadda cagta Chelsea ee Antonio Conte ayaa diiday inuu meesha ka saaro wararka isaga la xiriirinaya inuu ka tagayo garoonka Stamford Bridge xagaaga.

Horraantii todobaadkan, waxaa jiray warar soo jeedinayey in macallinka Juventus ee Massimiliano Allegri uu ogolaaday inuu bedelo Conte dhammaadka xilli ciyaareedkan, halka macallimiinta Luis Enrique iyo Diego Simeone ay ku tartamayaan inay ku fariistaan kursiga kulul ee Blues.

Chelsea ayaa weli ku jirta dhammaan afarta tartan xilli ciyaareedkan, laakiin tababare Conte ayaa sheegtay in wax walba ay macquul yihiin isagoo ka hadlayey arrimo ku saabsan mustaqbalkiisa laacibkii.

48-sano jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Wax walba waa suurtagal. Waxaan haystaa heshiis sanad ah. Wax kasta waa suurtagal. Shaqadayadu waa mid aad u adag. Wax walba way isbedeli karaan”.

Conte ayaa guul gaaray 57 ka mid ah 81 kulan oo uu hoggaamiyey laacibkii Chelsea tan iyo markii uu shaqada laacibkii qabtay bishii July ee sanadkii 2016-kii.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII