LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Macallin Antonio Conte oo irdaha u furay inuu xiddigan amaah kaga tago bishaan kooxda Chelsea

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha laacibkii kubadda cagta Chelsea ee Antonio Conte ayaa soo jeediyey inuu ku faraxsanyahay inuu siiyo war u wanaagsan naadiga Schalke 04  oo ay kula saxiixan karaan Baba Rahman heshiis lix bilood oo amaah ah.

Rahman ayaa garoomada ka maqnaa muddo 12 bilood ah kaddib dhaawac halis ah oo jilibka ka gaaray, laakiin agaasimaha ciyaaraha ee laacibkii Schalke, Christian Heidel in labada kooxood ay ka wada hadlayaan sidii ay heshiis ku meel gaar ah ugu qaadan lahaayeen difaacan bidix.

Chelsea ayaa doonaysa inay sii haysato difaacan, laakiin tababare Conte ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah lahayn haddii ciyaaryahanku uu dib ugu laabto dalka Jarmalka.

48-sano jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Baba waxa uu ka soo kabsanayaa dhaawac xun, aniga suurtagal iima ahayn inaan tababarka kula kulmo isaga, hal ama labo jeer, laakiin isagu diyaar uma ahayn inuu qaato tababarka buuxa.”

“Waxay noqon kartaa fursad xiiso u leh ciyaaryahan si uu ugu soo kabasado, haatan waa uu soo kabsanayaa, isagu waqtigan diyaar uma ahan inuu ciyaaro, haddii uu rabana waa uu nala joogi karaa oo shaxdeenna waan ku sii haysan karnaa.”

Intii lagu guda jiray waqtigiisii Schalke, Rahman ayaa saftay 20 kulan intii lagu jiray qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2016-17.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII