LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Macalinkii badali lahaa Antonio Conte oo durba ogolaaday inuu talada Stamford Bridge la wareego – waana macalin laba jeer tiigsaday finalka UCL.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Chelsea ayaa durba heshay macalinkii badali lahaa Antonio Conte marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha dalka talyaaniga, waana macalin laba jeer tiigsaday finalka Champions League.

Massimiliano Allegri ayaa ogolaaday inuu noqdo badalka Antonio Conte, sidoo kalana la wareego talada garoonka Stamford Bridge, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli lixdii bilood ee lasoo dhaafay shaki weyn la galinayay mustaqbalka macalinka reer talyaani ee laacibkii difaacaneysa Premier League.

Corriere dello Sport ayaa shaaca ka qaaday in tiro badan oo macalimiin ah lala xiriirinayo Chelsea si ay badal ugu noqdaan Antonio Conte, balse markaan waxey doorteen Max Allegri kaas oo 2015 iyo 2017 la tiigsaday Bianconerri koobka horyaalada yurub ee Champions League balse guuldaro kala kulmay Barcelona & Real Madrid.

Warbixinta waxey sheegeysaa in 50-jirkaan uu heshiis hordhac ah la galay Blues, balse laacibkii Turin ka dhisan ayaa diyaarineysa qorshe ay kaga hor istaageyso Allegri inuu isaga guuro laacibkii ilaa uu ka dhameysto heshiiskiisa dhamaanaya 2020.

Allegri wuxuu leyliyay Bianconerri 195-kulan tan iyo markii uu July 2014 xilka kala wareegay Antonio Conte, 137-ka mid ah guulo ayuu gaaray, wuxuuna u sahlay laacibkii iney hanato sadex jeer oo xiriir ah Scudetto.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII