LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Macalinka Xulka Costa Rica Oscar Ramirez Oo Cadeystay Inuusan Aqoon Qofka Uu Yahay Xidiga Ugu Shidan Chelsea Ee Eden Hazard.

Xulka Belgium-ka ayaa dhibaato gaarsiiyay dhigiisa Costa Rica kulankii ugu dambeeyay oo ay labada xul ugu diyaar garoobayeen koobka Aduunka, balse kabtan Eden Hazard oo kulanka wacdaro dhigay ayuu aqoon waayay tababare Oscar Ramirez.

Macalinkaan reer Costa Rica ayaa ku dhiiraday inuu amaano Eden Hazard, balse gabi ahaan wuxuu kaliya ku tilmaamay lambarkiisa xilli Belgium ay 4-1 ku dhufteen dhigooda Costa Rica.

Romelu Lukaku ayaa laba gool dhaliyay kulanka halka Dries Mertens iyo Michy Batshuayi ay laba gool kale shabaqa ku rideen, taasoo waji laga cabsado u yeeshay wiilasha uu hogaaminayo Roberto Martinez.

“Lambarka 10-aad ayaa noo geystay dhaawac badan, ma garan karo magaciisa” ayuu yiri Oscar Ramirez oo la hadlay saxaafadda kadib kulanka.

Costa Rica waxey kulankooda ugu horeeya 17-ka bisha la ciyaari doonaan Serbia, balse waxey kaliya rabeen iney helaan qaabka ugu wacan oo ay tartanka Russia ka dhacaya uga qeybgalaan.

Dhanka kale Eden Hazard waxaasoo gaaray dhaawac yar, balse Roberto Martinez wuxuu xaqiijiyay inuu fiican yahay kadib kulanka.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *