LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Macalin Zidane warkiisa waa cad yahay “BBC iyo Neymar wey isla cayaari karaan”

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Tababaraha laacibkii Real Madrid Zidane ayaa sii huriyay hadal heynta xoogan ee ku aadan in xagaagan Real lasoo saxiixan doonto cayaaryahan Neymar.

Macalinka reer France wuxuu ka dhawaajiyay in cayaartooyda weerarka kaga cayaarto Madrid Benzema, Bale iyo Cristiano (BBC) iyo Neymar inay iska garab cayaari karaan.

Zidane wuxuu yiri “Dadka waxay rabaan ayay dhihi karaan, laakiin waxa aan aniga dhaho iyo waxa ay cayaartooyda dhahaan waa isku mid, Neymar waa cayaaryahan wanaagsan laakiin aniga ma lihin”

“Wey isla cayaari karaan BBC iyo Neymar, balse ma aqaan midaas inay dhici karto laakiin aniga macalin ahaan dhib iguma ahan inaan garoon isla galiyo”

Dhanka kale macalin Zidane waxaa wax laga weydiiyay sababta Madrid xili cayaareedkan kooxaha yar yar La Liga uga badin weesan yahay.

Zidane wuxuu ku jawaabay “Horyaalka waa mid loolankiisa aad u sareeyo, mana jirto koox yar wax la dhahaayo, sidaa darteed naadiga Girona si adag ayaan ula cayaari doonaa”

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII