LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Liverpool Oo Anfield Ku Gumaaday Spartak Moscow, Philippe Coutinho Oo Saddexley Dhaliyay, Sadio Mane Oo Laba Gool Ugu Jawaabay Iyo Reds Oo Kaalinta Kowaad Kaga Soo Baxday Groupkeeda.

Liverpool ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday groupkeeda kadib markii ay Anfield si xun ugu gumaaday laacibkii Spartak Moscow, waxaana kulankan saddexley goolal ah ka dhaliyay Philippe Coutinho halka Sadio Mane uu laba gool isna ka dhaliyay. Roberto Firmino ayaa dhiniciisa shabaqa soo taabtay halka Mohamed Salah uu isna dhamaadkii ciyaarta uu dhaliyay goolka todobaad ee Reds , waxayna Liverpool laacibkii martida ahayd ee Spartak Moscow ay ku xasuuqday 7-0

Liverpool ayaa qayb ka noqotay kooxaha kaalmaha kowaad groupkooda kaga soo baxay ee isku aadka wareega 16ka kooxood hogaamin doona iyada oo xaqiijisatay in kulanka lugta labaad ee wareega 16ka kooxood ay Anfield ku ciyaari doonto. James Milner oo qaybtii hore dhamaadkeedii badalay Alberto Moreno oo uu dhaawac soo gaadhay ayaa isna kulankan ka sameeyay saddexley gool caawin ah.

Liverpool ayaa si naxariis daro ah Anfield ugu gumaaday laacibkii ay hore barbaraha 1-1 ka ahaa Russia kula soo gahay ee Spartak Moscow waxaana kulankan wacdaro ka dhigay Coutinho oo kabtanka kulankan ahaa isaga oo markii ugu horaysay wayihiisa ciyaareed saddexley u dhaliyay Liverpool.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Liverpool XI (4-3-3): Karius; Gomez, Klavan, Lovren, Moreno; Wijnaldum, Can, Coutinho; Salah, Firmino, Mane.

Kaydka:Sturridge, Henderson, Mignolet, Oxlade-Chamberlain, Solanke, Alexander-Arnold, Milner.

Spartak Moscow XI (4-2-3-1): Selikhov; Eschchenko, Tasci, Bocchetti, Jikia; Glushakov, Fernando; Zobnin, Adriano, Promes; Ze Luis.

Kaydka:Melgarejo, Rocha, Samedov, Pasalic, Popov, Rebrov, Kutepov.

Liverpool ayaa 20 kii daqiiqo ee qaybtii hore kulankan soo bandhigtay duufaano ayna Spartak Moscow iska joojin karin iyada oo safka weerarka Liverpool uu noqdya mid cajiib ah waxaana jiibta iyo jaanta isla helay Mohamed Salah, Sadio Mane, Roberto Firmino iyo kabtankii kukankan ee Philippe Coutinho kaas oo door layaableh ka ciyaaray kulankan.

DAQIIQADII 4 AAD Spartak Moscow ayaa markiiba xejin kari wayday culayska weerarka Liverpool waxaana qalad rekoodhe sabab u noqday galay Giorgi Jikia kaas oo Mohamed Salah dhulka dhigay, waxayna Reds heshay fursadii ugu horaysay ee ay cadaadiska iskaga yarayn kartay.

DAQIIQADII 4 AAD Kabtankii uu kulankan Klopp u xilsaaray shaxda kooxdiisa ee Philippe Coutinho ayaa rekoodhahan tuurtay wuxuuna jahada qaldan u dhigay goolhayaha Spartak ee Selikhov wuxuuna xidiga ree Brazil dhaliyay goolka furitaanka ee Reds sida wayn u caawiyay isaga oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay markiiba Liverpool hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 15 AAD Liverpool ayaa la timid goolka labaad oo ahaa mid si layaableh loogu xaragooday isla markaana ahaa gool uu dhaliyay Philippe Coutinho laakiin waxaa kubbada khadka dhexe ka soo dhisay Sadio Mane kaas oo Mohamed Salah la sii ciyaaray halka xidiga ree Masar uu kubbada isku dhaafiyay Roberto Firmino oo xidiga ay isku qaranka Brazil yihiin caawintan u sameeyay, waxayna kubbad isku dhiibistani ku dhacday waqti ka yar inta aad qoraalka goolkan akhriday wax aad uga yar, waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Reds goolka labaad kula timid.

DAQIIQADII 18 AAD Roberto Firmino ayaa markiisa dhaliyay goolka saddexaad ee Liverpool iyada oo markale Sadio Mane uu ahaa xidiga shaqada soo qabtay kadib markii uu xidiga Spartak Moscow ee Jikia ay kubbadu si qalad ah ugu dhacday, wuxuuna Firmno ciyaarta ka dhigay 3-0 iyada oo aan la gaadhin 20 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeyay.

Intaa wixii ka danbeeyay Spartak Moscow ayaa si cajiib ah u ciyaartay waxayna si xoogan u raadisay qaabkii ay ugu soo laaban lahayd ciyaarta laakiin laacibkii Klopp ayaa bilawday in ay markeeda gadaal u degto markasta oo ayna kubbada haysan waxayna taasi culays wayn ku noqotay in Spartak ay fursado fiican abuuri karto.

Darbooyin halis ah ayay difaaca Liverpool iska dabooleen halka Karius uu u soo jeediyay bartilmaameedka ay laacibkii martida ahayd goolka ku doonaysay, laakiin Liverpool ayaa goolal intan ka badan heli kartah iyada oo Sadio Mane iyo Mohamed Salah ay lumiyeen fursado goolal loo fishay.

Dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta Alberto Moreno ayauu dhaawac soo gaadhay wuxuuna isku dayay in daawayn kadib uu ciyaarta sii wato laakiin ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay ayuu garoonka ka baxay isaga oo murugaysan waxanaa kaydka ka soo baxay Jamier Milner.

Laakiin waxay ahayd dhamaadka qaybta hore marka uu James ciyaarta soo galay iyada oo lagu kala nastay 3-0 ay Reds hogaanka ciyaarta ku haysay laakiin waxay soo kicisay xusuusta kulankii Sevilla, waxaana lays waydiinayay in iyaga oo Anfield jooga ay casharkii Sevilla oo kale la kulmi karaan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Liverpool soo laabtay iyada oo wali ku socota dardar wayn isla markaana ay ka go’antahay in ay wax ka barato casharkii kulankii Sevilla waxayna markiiba Reds bilawday qaabkii ay ciyaarta hurdada ugu diri lahayd.

DAQIIQADII 47 AAD Liverpool ayaa heshay goolkeeda afaraad waxaana goolka uu bandhigiisa ugu qalmay helay Sadio Mane kaas oo si fiican u dhamaystiray kubbad uu caawin uu ka helay James Milner oo saamayn wayn ku yeeshay kooxdiisa kadib markii uu badalay Moreno oo dhaawacmay, wuxuuna Mane ciyaarta ka dhigay 4-0 ay Reds guusha iskugu hubsatay.

DAQIIQADII 50 AAD Alla Maxay farxad u ahayd!! Philippe Coutinho ayaa markan dhamaystirtay saddexdleyda taariikhiga ah ee uu Anfield kaga dhaliyay kulan Champions Leaque ah isaga oo markan caawin uu ka helay James Milner ugu qubeeyay laacibkii uu shabaqeeda caadada ka dhigtay ee Spartak Moscow waxayna ciyaartu noqotay 5-0 ay Liverpool ku dubanayso Spartak Moscow.

Philippe Coutinho ayaa markii ugu horaysay waayihiisa ciyaareed saddexley u dhaliyay Liverpool wuxuuna xaqiiqdii sameeyay bandhig jamaahiirta Reds ku qasbaya in ay calaamada kabtanimada la jeclaan lahaayeen xidiga ree Brazil isla markaana ayna ogolaan karin in uu Anfield ka baxo.

DAQIIQADII 72 AAD Klopp ayaa kaydka ka soo kiciyay Sturridge si uu farxada kulankan qayb uga noqdo waxaana la saaray Roberto Firmino laakiin Mohamed Salah ayaa qaab mucjiso ah sameeyay ayaa awoodi waayay inuu qayb ka noqdo goolasha badan ee ay kooxdiisu dhalisay.

DAQIIQADII 76 AAD Daniel Sturridge ayaa markiiba gool caawin u sameeyay Sadio Mane oo markiisa dhaliyay goolkiisa labaad ee kulankan laakiin waxa uu goolkani noqday mid ceeb wayn ku noqday laacibkii Spartak Moscow ee uu khakhtarka kooxoodu hore ciyaartoyda uga sii madnuucay in ay wax galmo ah la sameeyaan xaasaskooda si ay kuankan iskugu diyaariyaan, wuxuuna Mane ciyaarta ka dhigay 6-0 ay Reds ku gumaadayso Spartak Moscow.

DAQIIQADII 86 AAD Mohamed Salah ayaa ugu danbayn markiisa helay goolka uu isna u qalmay in uu taariikhdan ka mid noqdo wuxuuna dhaliyay goolka todobaad ee ay Liverpool markale xili ciyaareedkan ku gaadhay kulankii labaad iyada oo hore Maribo 7-0 ugu soo xasuuqday, laakiin waxaa cajiib noqotay in James Milner oo dhamaadkii qaybtii hore badalay Moreno oo dhaawacmay uu isna sameeyay saddexley gool caawin ah.

Spartak Moscow oo u baahan in ay ciyaartu ka dhamaato ayuu ugu danbayn garsooruhu ugu naxariistay in uu ciyaarto dhamaayo sababto ah waxay la kulmi kareen ceeb kale oo intan ka sii wayn waxayna ciyaartu ku soo dhamaatay 7-0 ay Liverpool sida ay doonto kaga yeeshay Spartak Moscow.

Liverpool ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Groupkeeda waxayna sidaa kaga mid noqotay kooxaha hogaamin doona isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions Leaque ee isniinta la samayn doono waxayna Reds muujisay awooda cusub ee ay la soo baxday iyada oo labadii kulan ee ugu danbeeyay soo dhalisay 12 gool.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *