LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Liverpool oo afar ciyaaryahan kaga soo dhaawacmeen ciyaaraha qaramada iyo Klopp welwel wajahaya!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Waxaa maalmihii aynu kasoo gudubnay telefoonno is daba joog ah ay soo gaarayeen Macallin Jurgen Klopp kuwaasoo aanan war farxad leh soo gaarsiin dhegahiisa.

Waddamada kala ah Egypt, Netherlands iyo Senegal ayaa ay kasoo gaareen warar u sheegaya inay dhaawacyo soo gaareen Mohamed Salah, Virgil Van Dijk iyo Sadio Mane.

Balse culeyska waa uu sii batay, waxaana galabta dhaawac isna garoon loogaga saaray Naby Keita kasoo gudanayay waajibaadka xulkiisa Guinea.

Tani ayaa caqabad ku noqoneysa laacibkii Liverpool, taasoo ku dagaallamaysa safafka hore ee horyaalka Premier League-ga, sidoo kalena tartanka Champions League Group adag kaga jirta.

Waxaa horay laacibkii kaga sii maqnaa xiddigaha kala ah Oxlade Chamberlain, Adam Lallana iyo James Milner oo dhaawac kaga baxay kullankii Manchester City.

Sidaas darteed, waxaa ay u badantahay in Xherdan Shaqiri uu ka mid noqon doono xiddigaha khadka dhexe ka ciyaari doono kullamada soo aaddan ee Reds ciyaari doonto.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII