LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Lionel Messi Oo Wareysi Uu Siinayay TyC Sports Ku Sharraxay Sababta Uusan Waligiis Uga Tageynin Kooxda Barcelona & Gobolkaba.

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa meesha ka saaray gabi ahaanba rajada laga qabo inuu mar ka hayaamo garoonka Camp Nou xilli uu wareysi siinayay TV-ga TyC Sport ee laga leeyahay dalkiisa.

Lionel Messi ayaa isbuuca soo aadan dhameysanaya fasal ciyaareekiisii 14-aad ee La Liga isagoo hantay horyaalkiisii 9-aad sidoo kalana si macquulnimo ah u xaqiijiyay ku guuleysiga abaalmarinta Pichichi Trophy maadaama uu 34-gool haliyay isagoo saftay 36-kulan.

Kabtanka Argentina waxaa lala xiriiriyay dhawr jeer laacibkii Manchester City, balse wax walba wuxuu kusoo afjaray inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa dhamaadka sanadkii hore.

30-jirkaan wuxuu ka dhawaajiyay inuusan u baahneyn badal uu ku sameeyo kooxdiisa meeshana aan ka saarin in xaaskiisa Antonela Roccuzzo iyo sadexdiisa wiil ay aad ula qabsadeen nolosha gobolka.

“Iskuma dayin inaan ka tago Barcelona, ma jirto meel ka wanaagsan Barcelona, hadii aan halkaan joogin meel kale maba ahaan karo” ayuu yiri Messi oo la hadlayay TyC Sports.

“Waa laacibkii ugu wanaagan dunida, kuna taala magaalada ugu wanaagan dunida, caruurteyda goor hore ayey saaxiibo ku yeesheen, mana doonayo inaan badalo”

“Waxaan u dagaalamaa inaan ku guuleysto wax walba, uma baahni inaan meel kale aado si aan wax u cadeeyo”

“Ma jecli inaan ciyaaro ciyaarahii hore, mar walba waxaan jeclahay inaan wax ku kordhiyo qabka aan u ciyaaro”


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII