LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Lionel Messi Oo Hiigsanaya Laba Guulood Kulamada El-Clasico Ee Isbuucan Si Uu Xavi Ugu Garaaco Rikoor Muhiim Ah.

Inkastoo uu markii hore ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kulankaan weyn ee El-Clasico, Lionel Messi ayaa qarka u saaran inuu noqdo xidigaha Barcelona kan ugu badan ee guula gara kulankaan wuxuuna rikoorkaa sameyn kara todobaadkaan.

Barcelona waxey laba kulan la ciyaari doontaa afar maalmood gudahood Real Madrid labada lug ee final-ka Supercopa de Espana – wuxuuna u baahan yahay laba guulood.

Xavi Hernandez ayaa ah ciyaariyahanka ugu guulaha badan xidigaha Barcelona kulanka El-Clasico madama uu gaaray 17-guulood 42-kulan oo uu kasoo muuqday kulankaan, halka Messi uu gaaray 16-guulood 34-kulan oo uu kasoo muuqday kulanka.

Kabtanka Argentina wuxuu u baahan yahay laba guulood si uu u noqdo xidigaha Barcelona kan ugu guulaha badan kulankaan iyadoo hal guul ay kaga filnaan doonto inuu barbareeyo Xavi.

Messi waxaa ka hooseeya Andreas Iniesta kaas oo 15-guulood gaaray 35-kulan oo El-Clasico ah, mana jiro xidig Barcelona ah oo gaaray darajada uu gaaray halyeyga Real Madrid Paco Gento kaas oo 21-kulan guul gaaray waxaana lagu qiimeeyaa 50%.

Dhanka kale marka la eego guuldarooyinka – waxa xanuun badan la kulmay Sergio Ramos, Raul Gonzales iyo Manolo Sanchis oo Real Madrid ah halka kabtankii hore Barcelona Joan Segarra uu isna ka mid yahay liiska – dhamaan afartaas xidig waxey wada guuldareysteen 16-jeer.

Sergio Ramos ayaa kulanka lugta hore laga yaabaa darjo aan qurux badneen inuu gaaro wuxuuna noqon doonaa xidiga guuldarooyinka ugu badan gudoomay kulanka El-Clasico madama ay u noqon karto 17-jeer.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII