LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Liiska Xiddigaha Ka Maqan Safkii Ugu Dambeeyay Ee Xulka Spain Ee Luis Enrique Oo Shax Xoogan Laga Sameeyay & Shaxdan Oo Dalal Badan Anfici Lahayd

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha ah ee uu kaga qayb galayo kulamada caalamiga ah ee xiga balse liiskaas ayaa ahaa mid ay iska dhex waayeen xiddigo badan oo tayo caalami ah leh.

Shaxdan ayaa ah mid uu goolka masuul uga yahay goolhayaha FC Porto ee Iker Casilass, Halyeeyga Real Madrid ayaa filayay in fursad kale la siiyo kaddib wacdaro uu ka dhigay Porto mudo uu ka maqnaa xulka La Roja.

Daafaca midig ee shaxda fursadan weyday ayuu kasoo muuqday da’yarka wacdaraha ka dhigaya Madrid Alvaro Odriozola halka ay daafacyada dhexe kuwada jiraan Nacho oo isla Madrid qayb ka ah iyo daafaca Real Betis ee Marc Bartra.

Faa’idada qoom waa dhibaatada qoom kale e’ soo laabashada Jordi Alba oo mudo xulka ka maqnaa ayaa ah mid murugo ku ah daafaca Chelsea ee Marcos Alonso oo booskiisa waayay doorkan.

Khadka dhexe ayay kawada muuqdaan khubarada khadka dhexe ee Cesc Fabregas iyo Juan Mata oo labaduba muhiim u ah kooxahooda iyo waliba xidigaha hubada leh ee Sergio Canales iyo Pablo Sarabia oo ka tirsan kooxaha Betis iyo Sevilla.

Safka weerarka ayay ku midaysan yihiin xiddigaha Borja Iglesias oo wacdaro ku dhigaya laacibkii Espanyol iyo Paco Alcacer oo mudo kooban si weyn ugu kasbaday kalsoonida laacibkii Borrussia Dortmund.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *