LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Labada xiddig ee ugu horreeya oo uu Macallin Jose Mourinho ka dirayo kooxda Manchester United oo la sii ogaaday

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Macallinka laacibkii kubadda cagta Manchester United ee Jose Mourinho ayaa la soo warinayaa labada xiddig ee ugu horreeya oo uu laacibkii ka cayrinayo, marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Jariiradda Mirror ayaa shaacisay in tababaha reer Portugal ee Jose Mourinho uu qorsheynayo inuu kooxdiisa Man United ka cayriyo labada difaac ee Chris Smalling iyo Phil Jones, kuwaas ayaana noqonaya labada xiddig ee ugu horreeya oo loo tilmaami doono albaabka looga baxo Old Trafford.

Jose Mourinho ayaa ka careysan qaab ciyaareedka liita ee ay soo bandhigayaan labaad difaac, iyadoo Phil Jones uu gool ka xareeeyey kooxdiisa kulankii Tottenham, halka Smalling uu sabab u ahaa goolkii Axaddii looga adkaaday Man United.

Labadaan difaac ee qandaraaskoodu dhacay 2019 ayuu Jose Mourinho doonayaa inuu laacibkii ka diro si uu dhammaadka xilli ciyaareedkan u dhuujiyo dhanka difaaca laacibkii.

Wararku waxa ay intaa ku daryaan in macallinka Man United uu diiradda ku hayo difaaca naadiga Leicester City ee Harry Maguire iyo sidoo kale dambeedka laacibkii Real Madrid ee Raphael Varane.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII