LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Laba Ka Mid Ah Kooxaha Darajada Sare Ee Premier League Oo Ku Tartamaya Xiddig Ay Isku Dhaceen Jose Mourinho.

Kooxaha ka wada dhisan waqooyiga London ee Arsenal & Tottenham ayaa doonaya iney ka faa’iideystaan xurgufta ba’an ee ka dhex jirta daafaca reer Ivory Coast Eric Bailly iyo macalinkiisa Jose Mourinho, iyadoo lasoo warinayo in xiddigaan ay macquul tahay inuu January isaga guuro garoonka Old Trafford.

Eric Bailly iyo Jose waxey isku dhaceen kadib bandhigii liitay ee xiddigaan uu sameeyay kulan ay laacibkii qasaaro ka qaadatay Brighton & Hove Albion, waxaana ugu dambeysay in kaliya 18-daqiiqo loo ogolaaday inuu ka ciyaaro kulankii Newcastle United.

24-jirkaan wuxuu laacibkii kusoo biiray sanadkii 2016, wuxuuna ku yimid dalabka Jose Mourinho oo u arkay inuu xiddigaan wax badan xalin karo, balse dhibaatooyin dhaawac iyo xurgufta labada shaqsi ayaa u muuqata mid kala fogeyn karta.

Daily Star ayaa ku warrameysa in ciyaariyahankaan uu dalab ka heli karo labada kooxood ee ka wadan dhisan waqooyiga London (Arsenal & Tottenham Hotspur”

Spurs iyo Gunners waxey diyaar u noqon karaan iney xiddigaan lacag u quuraan, halka Red Devils ay dooneyso ugu yaraan iney ku hesho qiimahii ay Villarreal kasoo siisay 2016 ee lagu sheegay 30 Malyan oo Pound.

Warar kale ayaa sheegaya in Eric Bailly uusan ku raaxeysaneynin nolosha Old Trafford, isla markaana uu raadinayo wadadii uu ku baxsan lahaa.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII