LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

LA OGAADAY: Wakiil Ciyaartoy Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshihii Man United Ee Ciyaartoyda Khadka Dhexe Iyo Sababtii Uu Red Devils Ugu Diiday Saxiixa Xidiga Uu Wakiilka Ka Yahay.

Tababaraha laacibkii Manchester United ee Jose Mourinho ayaa isaga oo si wayn u cadhaysan bilaaban doona xili ciyaareedka cusub ee Premier league kadib markii uu murugo kala baxay shirkiisii jaraa’id ee maanta isaga oo qirtay in ugu danbayn uu xidhmay suuqu isla markaana uu ka raysan doono ka fikirkii in ciyaartoy loo soo iibiyo.

Jose Mourinho ayaa intii lagu jiray kulamadii saaxiibtinimo waxa uu luuqad kasta ku sheegay sida uu uga xayraansan yahay qorshihii kooxdiisa ee suuqa kala iibsiga iyada oo Fred uu yahay xidiga kaliya ee muhiim ah ee ay Manchester United la soo saxiixatay xagaagan.

Jose Mourinho oo dareenkiisa saxaafada la wadaagayay ayaa shirkiisii jaraa’id ee maanta ee ka horeeyay kulanka Leicester City waxa uu ku yidhi: ” Maanta suuqu wuu xidhmay, waa waqtigii aan joojin lahaa ka fikirida suuqa. Anigu kuma kalsooni, waxaa waajib iagu ah in aan diirada saaro ciyaartoyda aan haysto iyo dhawrka kulan ee soo socda”.

laakiin wakiilka xidiga xulka qaranka Belgium ee Axel Witsel oo magiciisa la yidhaa Paul Stefani  ayaa si lama filaan ah u shaaciyay bartilmaameedyadii ugu muhiimsanaa ee Jose Mourinho uu dhigtay xagaagan ee xidigaha khadka dhexe wuxuuna shaaciyay in Mourinho uu doonayay Witsel balse waxa uu sharaxaad ka bixiyay sababtii uu ugu diiday.

Wakiilka Axel Witsel ee Paul Stefani  oo xidiga ree Belgium u dooray Borussia Dortmund ayaa sheegay in Mourinho uu xidigan doonayay balse uu bartilmaameedka kowaad ka dhiganayay N’Golo Kante, sababtan awgeedna uu xidiga ree Belgium ugu dooray Dortmund.

Wakiilka Axel Witsel ee Paul Stefani  oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi: “Manchester United waxay doonaysay Axel Witsel, waxaa sidoo kale doonaysay Napoli laakiin waxaan Axel u sheegay: ‘Dortmund waxaad tahay lamarka kowaad, Manchester United qaar badan ayaad ka mid tahay, Napoli waa la mid’”.

Wakiilka Axel Witsel ee Paul Stefani oo sababtii uu Man United u diiday sharaxaya balse si lama filaan ah u shaaciyay qorshihii Mourinho ayaa yidhi: “Waxaan ilwareed aad u fiican oo Mourinho uu sheegay in isagu uu doonayay Witsel, laaiin kaalinta kowaad muu ahayn. N’Golo Kante ayaa liiska ugu sareeyay”.

Wakiilka Paul Stefani oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Ugu danbayn waxaan Axel ku idhi: ‘Aniga asxaan ii samee oo sida ugu deg deg san ee ugu suurtogalsan u dhamaystir sababtoo ah xaqiiqdii waxaan doonayaa in aad Dortmund tagtid”.

Waxaana waraysiga uu bixiyay wakiilka Axel Witsel laga dhex ogaaday in Jose Mourinho uu bartilmaameedka kowaad ka dhiginayay N’Golo Kante balse uu saxiixiisa waayay wuxuuna ugu danbayn ku dhamaystay Fred oo Man United 52 milyan gini ka soo bixisay.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *