LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Ku xigeenka Zidane oo la ogaaday inuusan haysan warqada cadaynta tababarenimo iyo Real Madrid oo si kulul uga jawaabtay!

(Madrid) 15 Jan 2016 Waxaa soo badanaya fowdada ka dhex jirta laacibkii Real Madrid kadib markii shalay la dul dhigay ganaax laga saaray suuqa kala iibsiga.

Mundo Deportivo ayaa maanta shaaca ka qaaday in ku xigeenka tababaraha cusub ee laacibkii Real Madrid David Bettoni uusan haysan warqada cadaynta tababarenimo taas oo ka dhigan inuusan noqon karin tababare ku xigeen.

Balse Real Madrid ayaa warkaas ka soo jawaabtay iyaga oo xaqiijiyay in Zidane uusan lahayn ku xigeen isaga u gaar ah Real-na ay leedahay oo kaliya hal tababare.

Embedded image permalink

Bayaankii ka soo baxay Real Madrid ayaa u qornaa sidaan:

“Real Madrid waxay xaqiijinaysaa in David Bettoni uusan tababare ku xigeen ka ahayn laacibkii koowaad, waxaanan beeninaynaa warar saacadihii la soo dhaafay ay faafiyeen qaar kamid ah saxaafada”.

“Sidii uu horay u sheegay tababare Zidane habeenkii la soo bandhigaayay, ma jiro tababare labaad oo isaga ku xigeenkiisa ah”.

Gool FM


Source: New feed

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII