LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Ku biirritaanka Hazard ee Real Madrid oo dhibaato ku noqonaya kooxda, sababtiisana ku weyneysa laba ciyaaryahan.!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

File photo dated 10-03-2018 of Chelsea’s Eden Hazard.

Naadiga Real Madrid ayaa dadaal adag u galeysa sidii ay kula soo saxiixan lahayd xiddigga laacibkii Chelsea ee Eden Hazard, kaasoo heshiis hordhac ah la gaarray naadiga reer Spain.

Waxaa shalay soo if baxday in labada dhinac ay isku afgarteen inuu xagaaga dambe Bernabeu ku biirro, balse Los Blancos ayaa u baahan inay la xaajooto kooxdiisa Chelsea.

Blues ayaa la fahansanyahay inay xiddiggan lacago badan madaxiisa dul saarrayso, balse Real Madrid ayaa diyaar u ah inay qiimahaas mid ka hooseeya ay ku iibsadaan.

Madrid waxa ay dooneysaa inay isticmaasho xiddigaheeda kala ah Mateo Kovacic oo hadda amaah ugu ciyaara Chelsea iyo Marco Asensio.

Kovacic ayaa si aad ah usoo jiitay Macallin Maurizio Sarri, halka laacibkii ka dhisan galbeedka London qudheeda ay ka fikireyso inay joogto ka dhigo heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo hadda illaa inta xilli ciyaareedka ka dhiman.

Waxaa intaas usii dheer inay Real Madrid kusii qamaareyso Asensio oo xilli ciyaareedkan hoos u dhac badan uu soo food saarray, waxaana laacibkii ugu guulaha badan qaaradda Europe ay diyaar u tahay inay €100m ay qayb kasii dhigto si ay Hazard ula soo saxiixato.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII