LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kroos, Modric, Bale & Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Aan Ku Guuleysan Horyaalka La Liga

Kaliya hal dhibic ayey u baahan tahay Real Madrid si ay ugu guuleysato horyaalka La Liga, waxeyna guushaan imaaneysaa shan sano kadib.

Jose Mourinho ayaa ahaa macalinkii ugu dambeeyay ee Real Madrid u qaada horyaalka La Liga xili ciyaareedkii 2011/2012 markaas oo ay Santiago Bernabeu ugu dabaal dageen hanashada iyagoo ku qaaday rikoor 100 dhibcood ah.

Sida xaqiiqda ah 16-ka mid ah laacibkii koowaad ee Real Madrid ayaan waligood taaban koobka La Liga kuwaas oo u hanqal taagaya iney markii ugu horeysay hantaan.

Kaliya Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Sergio Ramos, Pepe iyo Marcelo ayaa ku sugan laacibkii kuwaas oo ka mid ah safkii Madrid ee ku guuleystay La Liga 2011/12, halka Alvaro Morata isaga uusan ku guuleysan tan iyo soo laabashadiisa.

Liiska xidigaha aan ku guuleysan wali La Liga: Toni Kroos, Carvajal, Isco, Asensio, Modric, Bale, Navas, Nacho, James, Casemiro, Kovacic, Vazquez, Danilo, Casilla, Mariano iyo Ruben Yanez.

Sidoo kale waxaa jira ciyaartoy horyaalo kale kusoo guuleystay sida Toni Kroos oo Bundesliga la qaaday Bayern iyo James oo Porto la qaaday Primeira Liga.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII