LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kooxdee ayuu qaban doonaa Jose Mourinho haddii uu Manchester United ka tago?

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Macallinka hooggaamiya laacibkii Manchester United ee Jose Mourinho ayaa albaabada u furay ku laabashada laacibkii Real Madrid.

Macallin Mourinho ayaa hadda United kula jira qandaraas ku eg illaa 2020, balse mustaqbalkiisa shaqo waa mid lulalanaya.

Los Blancos ayaa xagaagii waxa ay tababare u magacawday Julen Lopetegui, si uu beddel ugu noqdo Zinedine Zidane oo iska  casilay shaqada laacibkii Real Madrid ka dib markii uu saddex jeer kula guuleystay Champions League-ga.

Balse Lopetegui waxa uu ku guuldarreystay in laacibkii uu kusii hayo qaab ciyaareedkeedii wacnaa, isagoo ugu dambeyn shaqada laga eryay.

Waxaa ka dib laacibkii Los Blancos maamulkeeda loo gacan geliyay Santiago Solari, kaasoo builaw qurux badan ka dib hadda shaki badan laga qabo tayadiisa.

Ka hor inta aanan la magacaabin Solari, macallimiintii lala xiriiriyay Real Madrid waxaa ka mid ah Mourinho.

Macallinka reer5 Portugal ayaa shaki badan la gelinayay mustaqbalkiisa Old Trafford, waxaana taasi ay dhalisay in saxaafadda ay qorto macquul ahaanshaha uu ugu laaban karo caasimadda Spain.

Madaxweynaha laacibkii reer Spain ee Florentino Perez ayaa xiriir wanaagsan la leh Mourinho, waxaana macallinkan 55-jirka ah uu soo dhoweeyay inuu dib u maamulo laacibkii 13-ka jeer hanatay tartanka horyaallada Europe.

Mourinho ayaa Real Madrid kasoo shaqeeyay intii u dhexeysay 2010 illaa 2013, waxaana uu kula guuleystay Copa del Rey, La Liga iyo Spanish Super Cup.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII