LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kooxda Sevilla oo ka hor kulankeeda caawa ee Man United Twitter-keeda ku soo qortay arrin ay kula hadashay David De Gea!

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda kubadda cagta Sevilla ee dalka Spain ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigay arrin ay kula hadashay goolhayaha Man United ee David De Gea ka hor kulanka caawa ay labada kooxood ku ciyaarayaan garoonka Old Trafford.

Waxa ay ahayd farriin kaftan ah oo David De Gea ay si dadban ugu sheegayaan inuu ka dabciyo lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League oo ay caawa la leeyihiin Man Utd.

Kulankii lugta hore ee labada kooxood ee Man Utd iyo Sevilla ku dhexmaray dalka Spain ayaa ku soo dhammaaday barbaro 0-0, iyadoo goolhaye De Gea uu fursado badan ka beeniyey wiilasha laacibkii reer Spain.

27-sano jirkaan reer Spain ee shabaqa ugu jira laacibkii Man United ayaa kulankii lugta hore furado dhowr ah oo kooxdiisa laga dhalin karay beeniyey, waxaana ay taasi caddeysay sababta ay dad badan u aaminsan yihiin inuu yahay goolhayaha ugu fiican adduunka waqtigan.

Sevilla oo caawa doonaysa inay guul gaarto oo ay reebto Man United ayey farriin kabtan ah hawada u soo mariyeen goolhaye David De Gea oo lugtii hore ku adkeeyey.

Kooxda reer Spain waxa ay barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “Hey De Gea, shaqadaada u keydi markaan Koobka Adduunka. Mahadsanid Sevilla FC.”

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII