LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kooxda Liverpool oo u duushay Dalka Spain 10 Maalmood ka hor kulankooda Final-ka ee Champions League… + SAWIRRO

Kooxda kubadda cagta Liverpool ee Waddanka Ingiriiska ayaa u duushay dalka Spain, 10 maalmood ka hor kulankooda Final-ka Champions League.

Liverpool ayaa saakay u duushay Magaalada Marbella ee dalka Spain si ay tababar ugu soo qaataan cimillada diiran ee halkaas, ka hor kulankooda Koobka Horyaalladda Yurub.

Xiddigaha laacibkii Reds ayaa diyaarad u qaatay Marbella ka hor kulankooda Final-ka Champions League oo ay Real Madrid kula ciyaari doonaan Magaalada Kiev ee Dalka Ukraine.

Tababare Jurgen Klopp ayaa doonaya in xiddigaha kooxdiisa Liverpool ay ka soo faa’iideystaan oo ay tababar ku soo qaataan cimillada diiran ee dalka Spain ka hor kulankooda Final-ka Champions League.

The Reds ayaa wajahaysa laacibkii Real Madrid 26-ka bishan May kulanka kama dambeysta ah ee Koobka horyaalladda Yurub oo ka dhici doona Magaalada Kiev.

Laacibka dhaawaca uga maqnaa Liverpool ee Emre Can ayaa socdaalkan qeyb ka ahaa, taasoo la micno ah inuu fursad u heli karo ka qeyb qaadashada kulanka Final-ka Champions League.

SAWIRRO:


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII