LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kooxda Chelsea oo u duushay dalka Spain ka hor kulankeeda habeen dambe ee Barcelona… + SAWIRRO

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxda kubadda cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa u duushay dalka Spain, ka hor kulankeeda habeen dambe ee Champions League oo ay la leeyihiin Barcelona.

Blues ayaa habeen dambe dalka Spain kula ciyaari doonta naadiga Barcelona lugta labaad ee wareegga 16-ka Koobka horyaalladda Yurub ee Champions League.

Wiilasha tababare Antonio Conte ayaa safarkooda ka bilaabay xerada tababarka laacibkii ee Cobham, ka hor inta aysan gaarin garoonka diyaaradaha.

Eden Hazard, Cesc Fabregas, kabtanka laacibkii ee Gary Cahill iyo goolhaye Thibaut Courtois ayaa safarka si weyn uga dhex muuqday.

Sidoo kale waxaa la arkayey Olivier Giroud oo isago qoorta qalloocinaya raacaya Baska laacibkii ka soo qaadayey xerada tababarka Cobham si uu u geeyo garoonka Diyaaradaha iyo Willian oo saaran jaran-jarada diyaaradda.

Chelsea ayaa doonaysa habeen dambe inay garoonka Nou Camp ku reebto laacibkii Barcelona, kaddib markii lugtii hore ay ku soo kala baxeen barbaro 1-1.

Kulankii lugta hore ee Wareegga 16-ka Champions League Lionel Messi ayaa goolkiisii ugu horreeyey taariikhda ka dhaliyey Chelsea, kaddib markii uu goolka furitaanka ciyaarta u dhaliyey Blues Willian.

SAWIRRO:

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII