LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kooxda Arsenal Oo Haatanba Go’aan Ka Gaadhay Bedelka Aaron Ramsey Xilli Uu Tababare Unai Emery Laba Xiddig Oo Kaliya Kusoo Koobay Cida Buuxinaysa Booska Uu Banayn Doono Xiddiga Ree Wales.

Tababaraha laacibkii Arsenal ee Unai Emery ayaa sida la fahamsan yahay ku mashquulsan bedelka ugu haboon ee uu kaga samri karo xiddiga kooxdiisa kasii jeeda ee Aaron Ramsey waxaana uu haatanba doortay laba xiddig oo uu u arko inay buuxin karaan booska xiddiga ree Wales.

Ramsey ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaska uu laacibkii kula jiro waxaana uu u muuqdaa mid aan wax xiiso ah u qabin inuu heshiiska u cusboonaysiiyo laacibkii taas oo sababtay inuu durtaba xiiso ka helo kooxo badan oo ay ugu horreeyaan Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Juventus.

Xaalad kastaba, Gunners ayaa la filayaa inay go’aan ku gaadheen inay iska iibiyaan xiddigan suuqa bisha January si ay lacag ugu helaan halkii ay qaab xor ah ku waayi lahaayeen suuqa xagaaga.

Haddaba, Wargeyska The Evening Standard ayaa ku doodaya in haatanba Emery uu sii qorshaystay labada xiddig ee uu midkood lasoo saxeexan doono si uu ugu buuxiyo booska Ramsey, Xiddigahan ayaa kala ah Miguel Almiron oo u ciyaaraya laacibkii Atlanta ee horyaalka dalka Maraykanka iyo kabtanka FC Porto ee Hector Herrera.

Almiron ayaa ah xiddig ree Paraguay ah kaas oo bishii December ee sanadkii 2016 ku biiray Atlanta waxaana uu tan iyo wakhtigaas kamid ahaa xiddigaha ugu bandhiga fiican horyaalka MLS waxaana la filayaa inuusan diidi doonin fursad uu kaga ciyaaro Premier League.

Dhinaca kale, Hector Herrera ayaa khibrad kusoo kordhin doona Gunners haddiib uu Unai u doorto xiddiga ku haboon ee ay kooxdu lasoo saxeexanayso, 28 jirkan ayaa si joogto ah uga ciyaarayay tartanka Champions League tan iyo 2013 waxaana uu dhinaca khibrada kaga horreeya Almiron.


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII