LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

Kooxaha Chelsea & Manchester City oo isku heysta daafac heer caalami ah oo ka tirsan Tottenham Hotspur.

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Kooxaha Chelsea & Manchester City ayaa lagu soo waramayaa iney qiimeynayaan sida ay ku heli karaan daafaca Tottenham Hotspur Toby Alderweireld marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Alderweireld wuxuu waayay kulamo badan sababo dhaawac darteed, wuxuuna kaliya laacibkii kasoo muuqday 10-kulan, walow Spurs ay muujisay sida ay uga maarmi karto xidigaan heerka caalami.

Alderweireld wuu soo laabtay maadaama uu 90-daqiiqo ciyaaray kulankii ay garaaceen Newport County ee ku celiska koobka FA Cup, balse wuxuu iska waayay liiska xidigahii ka qeyb galay kulankii North London Derby.

The Guardian ayaa qireysa in labada kooxood ee Blues iyo Citizens ay durba isha ku hayaan isla markaana ay doonayaan iney ka faa’ideystaan.

Blues waxey dooneysaa iney inyar ka maaranto David Luiz iyo Cahill oo aan ku jirin hanaan fiican sidoo kale Citizens iyana waxey badal uga dhigi laheyd Kompany oo ay dhaawacyo dishoodeen.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

AKHRISO: WARARKII Ugu dambeeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII