LIVE CHAT

USA 0017124326996

UK 03306061358

Sweden 0046840308879

SAFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

KASHIFAAD: Real Madrid oo la ogaaday iney diyaarisay dalab dhan 250 Malyan oo Euro si ay ula soo wareegto Lionel Messi – Waa goorma?

Share on Facebook

Tweet on Twitter

Real Madrid ayaa isku dayday iney mar bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiska Lionel Messi si ay soo wariyeen mid ka mid ah shabakadaha hoos taga shabakadda EIC oo ah urur ay ku midoobeen dhawr majaladood sidoo kalana ay ka shaqeyaan wariyayaal baaritaanka ku xeel dheer.

Qareenka xidigaan reer Argentina ayaa wakiilka xidigaan oo ah aabahiis Jorge Messi ku wargaliyay xiisaha Real Madrid, hadii la dhameeyana uu noqon doono rikoorka dunida kubadda cagta.

Spiegel oo xubin ka ah ururka EIC ayaa ku waramay in lacagta ay Madrid diyaarisay ay aheyd aduun dhan 250 Malyan oo Euro.

Ujeedada Los Blancos waxey aheyd iney bixiyaan aduun dhan 23 Malyan oo Euro sanadkii ilaa sanadka 2021, sidoo kalana ay bixiyaan hal Malyan oo Euro oo ay u qoondeeyeen aabahiis Jorge.

Los Blancos oo dalabkaas ka jawaabeysa goor sii horeysay: “Warbixinadaan waa mid aan si dhab ah u waafaqsaneyn xaqiiqada, waana been abuur”

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay macluumaad ku saabsan sidii ay Los Blancos isugu dayday heshiiskaan.

Kulanka looga arinsaday wuxuu ka dhacay diyaarad qaas ah, waxaa Lionel Messi matalay qareenkiisa Inigo Juarez, Florentino Perez, agaasimahii ciyaaraha laacibkii Miguel Pardeza iyo sidoo kale qareen ka socday Madrid.

Spiegel waxey sidoo kale hoosta ka xariiqday in Juarez uu Jorge Messi u sheegay in Real Madrid ay ka balan qaaday iney cadaadis saari doonaan Rajoy, si dhacdada kiiska canshuuraha looga yareeyo.

Dhacadaan waxey dhacday sanadkii 2013 ka hor inta aysan Real Madrid heshiiska suuqa u jabin Gareth Bale.

SHARE

Facebook

Twitter


Source: laacibkii.com

Dhiso website raqiisa ah:- TEL 00442035297844 dhisoweb@outlook.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII